Cristiano Ronaldo Oo Ku Soo Laabanaya Man United & Champions League Oo Ka Caawin Kara, Qaab Noocee Ah?

1657

Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa in uu ku soo laaban doono kooxda Man United xagaaga dambe laakiin waa hadii ay Juventus ku fashilanto in ay ku guulsysato champions League.

Waxa sidaas sheegay saxafiga reer Spain ee Eduardo Inda ahna qoraaga Wargayska Don Balon.

Ronaldo ayaa qaadanaya xilli ciyaareed aan fiicnayn xilli ciyaareedkan xilli uu Maurizio Sarri dhawr jeer badal ku sameeyay taas oo keentay in ay ka xanaajiso xiddiga reer Portugal.

Eduardo Inda ayaa sheegaya in uu Ronaldo ka fiirsanayo in uu si lama filaan ah ugu soo laabto Old Trafford hadii ay Juventus xilli ciyaareedkan ku guulaysan waydo champions League.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayuu yidhi”Cristiano Ronaldo waxa uu ka tagi karaa kooxda Juventus dhamaadka xilli ciyaareedkan haatan socda hadii ay Juventus ku guulaysan waydo champions League”.

“Waxa uu doonayaa in uu Juventus kula guulaysto champions League waliba noqoto kooxdii 3-aad ee kala duwan laakiin arimaha ayaa haatan adag”.

Cristaino Ronaldo Ayaa Kooxaha Man United & Real madrid kula guulaystay Champions League waxana uu doonayaa in uu kooxdii 3-aad oo kala duwan kula guulaysto champions League