Ronaldo, Bale, Ozil, Maddison, Isco, Xhaka, Son, Pogba & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

1691

Suuqa kala iibsiga ayaan haatan furnayn iyada oo ayna kooxduhu la soo saxiixan karin wax xiddigo ah oo heshiisyo ku jira.

Laakiin arintaas ayaan la macno ahayn in ayna jiri doonin waxa kooxaha reer yurub la xidhiidhinaya xiddigaha kala duwan.

Kooxaha ayaa isku diyaarinaya suuqa Janaury ee sanadka cusub oo ay inaga xigaan bilo iayab oo wakhtigaas la saxiixan kara xiddigaha ay doonayaan.

Hadaba kooxda.com ayaa si maalin leh ah idiinku soo gudbin doonta wararka ugu dambeeya ee suuqa kala iibsiga ciyaartooyda ee ay qoraan wargaysayda.

Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab ka gudbiso kabtanka kooxda Athletic Bilbao ee Iker Muniain kaas oo uu Jurgen Klopp la dhacay (Don Balon).

Kooxaha Man United iyo Barcelona ayaa isku diyaarinaya in ay ku dagaalamaan saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Inter Milan ee Lautaro Martinez (FCInterNews).

Kooxda Juventus ayay ka go,antahay in ay dib u soo celiyaan Xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba iyaga oo diyaarinaya xiddigaha Emre Can & Mario Mandzukic si ay uga qayb noqdaan heshiiskiisa (Tuttosport).

Kooxaha Inter Milan iyo Ac Milan ayaa doonaya saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee Granit Xhaka kaas oo ay ku doonayaan heshiis amaah ah suuqa January (Sky Germany).

Tababaraha Cusub ee kooxda Tottenham ee Jose Mourinho ayaa kooxdiisa u sheegay in ay Man United ku garaacaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Kooxda Sporting Lisbon ee Bruno Fernandes (TalkTeam).

Kooxda Liverpool ayaa iska fogaysay in ay u dhaqaaqi doonto saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe (As).

Kooxda Liverpool ayaa laakiin isku diyaarinaysa in ay xagaaga u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Tottenham ee Son Heung-min (TalkSport).

Real Madrid ayaa Go’aansatay in ay iska iibiso xiddiga Isco marka la gaadho suuqa Janaury (sportsmole).

James Maddison ayaa iska diiday kooxda Man United isaga oo doonaya in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Leicester City (Evening News).

Tababaraha Kooxda Tottenham ee Jose Mourinho ayaa doonaya in uu si lama filaan ah Kooxda u keeno xiddiga Mesut Ozil kaas oo laga nacay Arsenal (Evening News).

Kooxda Tottenham ayaa lagu soo waramayaa in ay heshiis amaah ah kula soo wareegto xiddiga garabka uga ciyaara Real Madrid ee Gareth Bale (TalkTeam).

Xiddiga da,yarka ah ee wacdaraha ka dhigaya kooxda Red Bull Salzburg ee Erling Haaland oo booqday kooxda Arsenal xilli ay Gunners xiiso xoogan u hayso xiddiga (Bild)

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa in uu ku soo laaban doono kooxda Man United hadii ay Juventus ku fashilanto ku guulaysiga Champions League (Don Balon)