Cristiano Ronaldo Oo Magacaabay 4 Halyeey Oo Man United Oo Uu Ku Dayan Jiray Inkasta Oo Uu Midkood La Dagaalay

1966

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa qirtay in Halyeeyada Ryan Giggs, Paul Scholes, Ruud van Nistelrooy & Rio Ferdinand ahaayeen xiddigihii uu ku dayan jiray markii uu joogay Old Trafford.

Xiddiga Juventus ayaa 6 sano ku qaatay Red Devils intii u dhexaysay 2003 ilaa 2009 isaga oo kula guulaystay 3 Premier league iyo champions League.

Ronaldo ayaa ku soo biiray Man United 16 sano ka hor isaga oo kooxda u yimid badalka David Beckham Isaga oo ay wakhti ku qaadatay in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo.

Haatan xiddiga reer Portugal ayaa ka hadlay qaabkii uu ugu dayn jiray xiddigaha Giggs, Scholes, Ferdinand & Van Nistelrooy Markii ugu horaysay ee uu ku biiray United.

“Aniga oo Isticmaalaya maskaxdayda”ayuu Ronaldo ku jawaabay markii wax laga waydiiyay qaabkii uu u badalay kubadiisa.

“Hadii aad leedahay maskax badni waxa aad tusaale u qaadanaysa waxa ay qabanayaan kuwa kaa fiican”.

“Arintaas ayaana ah wixii aan sameeyay markii aan Man United joogay, waxa aan casharo ka qaadanayay Ryan Giggs, Paul Scholes, Ruud van Nistelrooy, Rio Ferdinand”.

“Hadii aanad waxba ka baran xiddigahaas oo kale, Waxa aad tahay qof doqon ah”.