DAAWO:-Amxaarada oo Dagaal ku dhowaaqday

1369

Dagaalka gobolka Tigray ee Ethiopia ayaa xoogeystay Arbacadii kadib markii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu tusmeeyey in dowladda ay soo afjareyso xabad-joojinta, ayna ciidamada Amxaarada sheegeen inay qaadayaan weerar ka dhan ah Tigray-ga.

Ciidamada Tigray-ga ee TPLF oo qabsaday inta badan dhulkii horey ay u lumiyeen, ayaa wacad ku maray inay dib u qabsan doonaan galbeedka Tigray, oo ah dhul beerashada ku wanaagsan oo ay haystaan ciidamada Amxaarada.

Afhayeen u hadlay maamulka gobolka Amxaarada ayaa sheegay in mas’uuliyiinta ay kicinayaan ciidamadooda si ay u qaadaan weerar ay uga hortagayaan Tigray-ga.

“Maamulka gobolka wuxuu hadda ka baxay difaaca, wuxuuna qaaday weerar,” ayuu yiri afhayeenka Amxaarada Gizachew Muluneh, oo la hadlay warbaahinta Amxaarada.

“Maleeshiyada Amxaarada iyo ciidamada gaarka ah waxay isku dayayeen inay is-difaacaan, hase yeeshee hadda dulqaadka waa naga dhammaaday, waxaana billownay weerar,” ayuu yiri.

Sidoo kale, Dhaqaaqa Qaranka Amxaarada, oo ah xisbi siyaasadeed weyn, ayaa ugu baaqay maleeshiyada gobolka ee loo yaqaan Fano inay is-abaabulaan.