DAAWO Antoine Griezmann Gool kiisii ugu horeyay udhaliyay Barcelona+SAWIRRO

2106

Xiddiga ugu qaalisan taariikhda Barcelona ee suuqa kala iibsiga Antoine Griezmann ayaa ugu dambayn furtay goolashiisa kooxda Barcelona kulankii ay Barca guusha weyn ka gaadhay kooxda Napoli.

Antoine Griezmann ayaa xagaagan ku soo biiray Barcelona kadib markii muddo dheer lala xidhiidhinayay isaga oo kaga soo biiray kooxda Atletico Madrid ee Ka ciyaarta horyaalka.

Xiddiga ku guulaystay koobka addduunka sugay dhawr kulan in uu Barcelona u dhaliyo goolkiisii ugu horeeyay laakiin waxa uu ugu damban isku qoray goolasha Barcelona.

Xiddiga reer France ee Antoine Griezmann ayaa daqiiqadii 56-aad ee qaybtii dambe ee ciyaarta goolkii ugu horeeyay ee kooxda Barcelona dhaliyay isaga oo shabaqa ku taabtay baas cajiib ah oo uu ka helay Jordi Alba.

Griezmann ayaa ku rajo weyn in uu sii wado goolasha kooxda Barcelona-na ilowsiiyo lacagtii aadka u badnayd ee ay ka soo bixisay adeegiisa suuqa xagaagan.