Neymar Oo Qaaday Talaabo Muran Badan Dhalisay Kadib Kulankii PSG ee Xalay & Barcelona Oo Sabab U Ah

1706

Xiddiga kooxda PSG ee Neymar ayaa u muuqda mid wali wada dadaalka uu ku doonayo in uu ugu laabto kooxdiisii hore ee Barcelona inkasta oo uu ku fashilmay arintaas xagaagii hore kadib weerar xun kala kulmay taageerayaasha kooxdiisa.

Neymar ayaa ka soo laabtay dhaawac uu muddo ka maqnaa kulankii ay kooxidisa PSG la ciyaaraysay kooxda Lille kaas oo ay ku badisay 2/0.

Xiddiga 27 jirka ah ee reer Brazil ayaa wali doonaya in uu isaga tago kooxda PSG kuna biiro kooxdiisii hore ee Barcelona kadib wixii uu sameeyay kadib markii la badalay.

Kadib markii badalka lagu sameeyay ayuu xiddiga reer Brazil si toos ah uga baxay ciyaarta isaga oo aan fadhiisan kaydka ay fadhiyeen saaxiibadii isaga oo galay qolka labiska.

Wali waxa meel xun maraya xidhiidhka uu Neymar la leeyahay taageerayaasha PSG kuwaas oo Aflagaadeeyay xidiga markii uu si toos ah u galay qolka Labiska.

Neymar ayaa si aad ah u doonayay in uu isaga tago kooxda PSG kuna biiro kooxdiisii hore ee Barcelona xagaagii laakiin heshiiska ayaa bur-buray sabab la xidhiidha PSG oo dalbanaysay lacag aad u badan.