XOG: Arintan Cadayn Ma U Tahay In Ay Chelsea Maanta Karbaashi Doonto Man City

1755

Waxa si weyn maanta loo sugayaa kulanka xiisaha leh ee Premier League dhex-mari doona kooxaha chelsea iyo Man City ee horyaalka Premier League kana dhici doona garoonka Etihad.

Labada Kooxood oo ku kala jira kaalinta 3-aad iyo 4-aad ayaa ku dagaalami doona 3-da dhibcood oo aan labada kooxood u qaybsamayn waliba koox walba si aad ah u doonayso 3-da dhibcood.

Marka taariikda Dib loo raaco kooxda chelsea ayaa ugu cad-cad in ay maanta garaacdo kooxda difaacanaysa horyaalka premier League ee Man City.

Labada Kooxood ayaa kulan premier League ah kulmi doona markii 5-aad 9-kii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay iyada oo Chelsea ka sarayso Man City dhanka salaanka kala saraynta.

Kooxda Man City ayaa ku fashilantay in ay badiso 4-tii kulan ee hore ee ay Chelsea la kulantay premier League iyaga oo ka hooseeya kala saraynta horyaalka.

2 kulan chelsea ayaa badisay 2 kulan oo kalena waxa ay labada kooxood galeen bar-baro taas oo la macno ah in ay Blues taqaano sida loo garaaco City marka ay ka sareeyaan kala saraynta premier League.