DAAWO:-Argentina Oo Rigoorayaal Ugu Gudubtay Wareegga 4-ta+SAWIRRO

248

Ka dib ciyaar xaraarad laheyd , Argentina ayaa rigoorayaal ugu soo gudubtay wareegga 4-ta koobka aduunka iyaga oo reebay Holland ka dib markii waqtigii caadiga ah ku dhameysteen bar bar dhac min laba gool ah

Sheekada ciyaarta : Argentina ayaa nasiinada ugu dirtay Holland hal gool oo uu sameeyay Messi waxaase shabaqa dhigay N. Molina daqiiqadii 35-aad

Argentian waxa ay ka toogteen Holland dhanka garbaha halka ay ku wacnaayeen saaxibada Messi in kubadda gaarsiiyaan aagga goosah Holland
Holland lama dhihi karo qeyb liidata ayay soo bandhigeen balse goolkaas qalad dhanka daafaca ah ayaa ka muuqday iyadoo mararka qaar kubadda haysay balse ma sameyn wax fursad ah biloowgii.

Holland weerar ahaan halistooda waa la celiyay waxa ayna daafaca Argentina ahaayeen kuwo foojigan , waxaana xusid mudan in baaska Messi ahaa mid sixir ah oo ay ka muuqatay aragti fog .

Soo labashadii , Argentina ayaa kubadda ku badneyd xilli Holland iyana isku dayayeen in ay horay u dhaqaaqaan balse qorshe ma jirin

Messi dadaal gaar ah ayuu waday , kubad soo dhisid iyo difaacba waa uu ku jiray iyadoo uu dagaal ugu jiray gool labaad .

Holland waa ay qaldayeen kubadda kullamaa afka hore keenaan balse isku dayo waa ay samenayeen xilli kubad haysashadooda wacneyd

Si waliba oo a Argentina kubadda u gaarsiiyaan afka hore Holand waxa ay heleen rigoore ka dib qalad lagu galay Marcos Acuna waxaana sidaas ameeyay Dumfries , ka dib waxaa rigooradaas laaday Messi oo shabaqa dhigay daqiiqadii 73-ad.
Ka dib dhacadaas Holland waxaa ka muuqday niyad jab si ayayna gaabis u noqdeen inkastoo gool ay heleen daqiiqadii 83-aad waxaana madaxa ku dhaliyay Weghorst

Ka dib goolkaas , Holland cadaadis ayay sameynayeen waliba isku dayo ayay sameynayeen xilli Argentina ay galeen daafac waxa ayna heleen gool cajiib daqiiqaddii ugu dambeeysay waqtiga dheeriga waxaana saxiixay mar kale Weghorst , waxaana la aaday extra Time .

Qeybta koowaad ee waqtiga dheeriga , ma jirrin halis gilin ay isku sameeynayeen labada qaran waxaana ka muuqday kala cabsi .

Qebta labaad ee waqtiga dheeriga , kubad waa ay dadajiyeen labada qaran waana la filan karay goolal marka al eego sida afka hore u geynayeen waliba saaxibada Messi ayaa sigayay oo laga bad baadinayay iyadoo ay ahaayeen kuwo ka fir fircoon Holland .

Holland dhamaadkii waqtiga dheeriga waxa ay ku tiirsanayeen rogaal celiska xilli Martinez dqiiqaidi 118-aad laga bad baadiyay fursad gool isaga iyo saaxibadiisa ayaana haystay mamaulka kubadda iyadoo Messi kulankaan muujiyay mas`uuliyad weyn , waxana xusid mudan in goolhayaha Holland ammaan mudan yahay waxaana laba fursad xaqiiq ahaa ka bad baadiyay goolhayaha Holland iyadoo ka dub laa aaday rigooro tuurasho.

Holland waa qasariyeen labadii laad ee ugu horeeyay waxaana ka bad baadiyay goolhayaha Argnetina , waxaana waregeega 4-ta u gudubtay Argentina oo rigoorayaasha ku badisay.