DAAWO:- Askari isbaaro dhigtay oo laqabtay

49

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa maanta soo xiray askari isbaaro dhigtay duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo dhowaan muuqaalkiisa lagu baahiyay baraha bulshada ee Internet-ka.

 

Eeedeysanaha oo lagu magacaabo Faysal Ibraahim Samow ayaa loo haystaa inuu gaadiidka lacago baad ah uga qaadayay deegaanka Weydow ee degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir.

 

Booliska ayaa sheegay in laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan, isla markaana la horgeyn doono maxkamad.

Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Dharkenleey ayaa gacanta kusoodhigay eedaysane Faysal Ibraahim Samow oo ku eedaysan inuu isbaaro u dhigtay muwaadiin Soomaliyeed deegaanka weeydow” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

 

Sidoo kale booliska ayaa uga digay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya inay ku xad-gudbaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, maadaama uu jiro amar sare oo kasoo baxay madaxda dalka.

 

Anagoo fulinayna amarka madaxda Qaranka waxaan markale uga digaynaa ciidamada kala duwan ee Dowlada in ay lacago baad ah ka qaadaan shacabka” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Soo qabashada askarigan waxay ku timid, kadib markii baraha bulshada lagu baahiyay muuqaalkiisa, isaga oo lacag baad ah ka qaadaya mid kamid darawallada BL-ka ee ka shaqeeya waddada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, taas oo dhalisay falcelin xoogan.