Warrarkii ugu dambeeyay ee dagaalka Laascaanood

187

Warrarka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayaa sheegaya in saaka subixii hore uu dagaal halkaas ka bilawday jihada wadada looga baxo dhinaca Burco, dagaalkaas ayaa la sheegay in la isu adeegsanayay hub culus.

Rasaasta ayaa weli laga maqlayaa magaalada, wararka ayaa sheegaya in meelo badan oo magaalada gudaheeda ah ay ku soo dhaceen hubka gaar ahaan aaga isbitaalka.

Ilaa hadda wax faahfaahin ah kama aanan helin isbitaalada magaalada balse goob jooge ayaa warbaahinta u sheegay in dhawaaqa ambalaasta qaadaysa dadka waxyeelada ay soo gaareen aad loo maqlayay.