Xassan Sheekh oo maanta ku wajahan Kismaayo

207

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan caasimadda KMG ah ee maamul gobaleedka Jubbaland (Kismaayo).

Ammaanka Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana xiran inta badan waddooyinka muhiimka ah ee dhexmara magaalada. Sidoo kale, Ciidamo hordhac u ah Madaxweynaha ayaa gaaray Kismaayo.

Lama oga ujeedada socdaalka Madaxweyne Xassan Sheekh oo ah kii ugu horreeyay ee uu ku tagayo Kismaayo, tan iyo markii la doortay 15-May, 2022.

Madaxweynaha DFS ayaa u tagaya Kismaayo la kulanka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, kaas oo ay ka wadahadli doonaan dhowr qodob.

Labada Madaxweyne ayaa shirkooda diirada ku saari doono xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya, doorashada Madaxweynaha Jubbaland, arrimaha gobalka Gedo iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada oo Axmed Madoobe uu diiday in DFS ay hoggaamiso, uuna dalbaday in isaga loo gacan geliyo dhaqaalaha iyo saanada ciidan ee loogu talagalay dagaalka Alshabaab.