DAAWO:-Aston Villa Oo Man United gurigeeda Kudhex Garaacday +SAWIRRO

1297

Man Unite ayaa guuldaro niyad jab leh kala kulantay kooxda Aston Villa xilli uu Bruno Fernandes rikoodhe ka khasaariyay kooxdiisa daqiiqadihii ugu dambeeyay

Kulanka ayaa ahaa mid adag iyada oo ay Aston Villa iska caabisay Saaxiibada Cristiano Ronaldo xilli ay Red Devils ahayd kooxda fiican kulanka guud ahaan.

Man United ayaa 25 laad ku laagtay Goolka Aston Villa xilli ay Kooxda Villa kaliya laagtay 7 kaliya guud ahaan ciyaarta taas oo muujinaysa in ay Man United ahayd kooxda fiican.

Laakiin Dhibaatada Man United haystay ayaa ahayd in ay ku dhibaatoonayeen dhinaca goolka iyaga oo aan goolka ku laadin kubad badan iyaga oo kaliya ku laaday 4 gool.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro gool la’aan ah iyada oo ay Man United ku dhibaatootay in ay saamayn ku yeelato ciyaarta.

Man United ayaa qaybtii dambe ee ciyaarta ahayd mid fiican xilli ay Aston Villa ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah oo ay ku doonaysay goolal.

Daqiiqadii 88-aad ayay Aston Villa ayay dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Kortney House kaas oo hogaanka u dhiibay kooxda Aston Villa kana dhigay 1/0.

Man United ayaa korisay weerarka ay ku doonaysay goolka bar-baraha iyaga oo wax walba u sameeyay sidii ay u dhalin lahaayeen goolka bar-baraha.

Daqiiqadii 90-aad ayay Man United heshay rikoodhe waxana u istaagay xiddiga Bruno Fernandes kaas oo doonayay in uu ciyaarta ku soo celiyo kooxdiisa.

Laakiin Bruno ayaa si lama filaan ah u khasaariyay Man United isaga oo cirka mariyay kubada taas oo la macno ah in ay ciyaartu sii ahaato 1/0.