DAAWO:-Axmed Madoobe,”Hubkii Farmaajo waxaa gacanta ku haya Alshabab oo nagu soo weerara”

1371

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlayey magaalada Garoowe ayaa ku eedeeyey madaxda dowladda federalka ah iyo saraakiisha ciidanka xooga dalka in hubkkii loo diidey maamulada dalka loo gacan geliyey ururka Alshabaab.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in hubkii madaxda dowladda Soomaaliya ay u diideen maamulkiisa uu si fudud gacanta ugu galay ururka Alsbaab ayna kula dagaalamaan maamulkiisa wuxuuna shaki geliyey qaabka ay ku helaan iyo xiriirka kala dhexeeya saraakiisha ciidamada.

“Dawlada Federalku Rasaastii anaga ay noo diidey ayaa Al-shabaab 24 saac ku heleen, malaga iibiyey mala siiyey manaqaan,” sidaasi waxaa yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlayey shirka Garoowe ka socda.