DAAWO:-Baarlamanka Jubaland oo ansixiyey damacii A/Madoobe

73

Baarlamaanka dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa goordhow isugu yimid kulan aan caadi aheyn, kaasi oo ku saabsan wax-ka-bedelka dastuurka.

Mudaneyaasha golaha ayaa u coddeeyay ansixinta wax ka bedelka qodobo kamid ah dastuurka dowlad-goboleedkaas, kaasi oo loogu gogol xaarayo damaca madaxweynaha maamulkaasi Axmed Madoobe.

mid ka mid ah qodobada wax ka bedelka lagu sameeyay ayaa waxaa ku jira qodobka 70-aad ee dastuurka maamulka Jubbaland.

Qodobkan ayaa dhigaya in madaxweynaha uu xilka isku-sharaxi karo labo jeer, waxaana qodobkan gebi ahaanba maanta laga saaray meesha.

Sidoo kale waxaa loo guuray qodobka 65-aad, iyada oo laga dhigay in muddada xil-heynta madaxweynaha ay tahay shan sano, u tartamida madaxweynaha ay tahay mid furan oo aan xadidneyn.

Tallaabadan ayaa dhabaha u xaareysa in Axmed Madoobe uu markale isku soo taago xilka madaxtinimo, kaasi oo intii ay jirtay Jubbaland uu ku fadhiyo, lamana oga sida ay wax ku dambeyn doonaan.

Ninkan oo Jubbaland majaraha u hayo tan iyo markii la aas-aasay 2013-kii, ayaa markale isku diyaarinaya inuu isku caano shubi, uuna qabsado doorasho lamid ah kuwii horey uga dhacay Kismaayo.