DAAWO:-Chelsea Oo Garaacday Newcastle United+SAWIRRO

919

Kooxda chelsea ayaa sii wada hogaaminta horyaalka premier League kadib markii ay guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Newcastle United halka ay Man City guuldaro lama filaan ah kala kulantay Crystal palace.

Hadii aan ku horayno Kulanka Man City iyo Crystal Palace, kooxda Man City ayaa maamulaysay ciyaarta laakiin waxa ay ku dhibaatoodeen dhinaca weerarka.

Daqiiqadii 6-aad ayay Crystal Palace dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Wilfried Zaha kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta.

Wixii intaas ka dambeeyay kooxda Man City ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka bar-baraha iyaga oo maamulayay ciyaarta laakiin Crystal Palace ayaa si fiican u difaacatay.

Man City ayaa ku dhibaatootay in ay kubad ku laagto goolka Palace xilli ay iyaguna ciyaarayeen weeraro rogaal celis ah oo ay ku doonayeen goolal kale.

Kooxda Man City ayaa la kulantay dhirbaaxo kadib markii kaadhka cas ee tooska ah loo taagay daafaca dhexe ee Aymeric Laporte kaas oo ciyaarta ka baxay.

Kooxda Man City ayaa daqiiqadii 88-aad laga dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta waxana dhaliyay xiddiga Conor Gallagher kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Palace ku hogaaminayso ciyaarta.

Dhanka kale Chelsea ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Newcastle United kulan ay kooxda hogaaminaysa horyaalku ku dhibaatootay in ay dhaafto daafac adag oo ay Newcastle dhigatay goolka hortiisa.

Daqiiqadii 64-aad ee qaybtii dambe ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay Xiddiga Reece James kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Chelsea ayaa daqiiqadii 77-aad dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Reece James kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 2/0 ka hor inta ayna Blues helin rikoodhe daqiiqadii 81-aad oo uuna ciyaarta ka dhigin 3/0 ay ku dhaliyeen daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta.