Nasashada Kooxda: 14 Dhacdo Oo La Yaab Leh Oo Dhacday Tan Ilaa Markii Ugu Dambaysay Ee Ay Liverpool Ku Guulaystay Premier League

1879

Markii ugu dambaysay ee ay Liverpool ku guulaysato horyaalka premier League waxa ay ahayd 1990 taas oo la macno ah muddo 29 sano ah ka hor in ay ku guulaystay koobkeedii ugu dambeeyay ee horyaalka dalka England.

Wakhtigaas ilaa haatan Taageerayaasha Liverpool ayaa sanad walba yidhaahda waliba ay noqotay mid ay ku caan noqdeen oo ay kaga maadsadaan taageerayaasha kooxaha kale kalmaha ah “Next Year Will Be Our Yer”- oo loo macneeyo “Sanadka xiga waxa uu noqon doonaa sanadkaygii”.

Kooxda Liverpool oo ah kooxda ugu guulaha badan champions League marka laga hadlayo kooxaha reer England ayaa sidoo kale ahaa kooxda ugu koobabka badan dhanka koobabka maxaliga ah ka hor inta ayna booskaas ku waayin sabab la xidhiidha in ay muddo dheer ka soomanaayeen ku guulaysiga horyaalka iyaga oo u waayay booskaas kooxo aad uga dambeeyay dhanka koobabka horyaalka.

Si Aan Diirada u saarno arintaas waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyin la yaab leh oo dhacay tan ilaa markii ay Liverpool markii ugu dambaysay ku guulaystay horyaalka.

1.Jurgen Klopp:

Tababaraha Kooxda Liverpool ee haatan ayaa isaga oo ciyaartoy ah ku biiray kooxda FC Minze hal bil kadib markii ay Liverpool ku guulaystay koobkii ugu dambeeyay ee horyaalka Waxana uu halkaas joogay muddo 11 sano ah kadib waxa uu ka fadhiistay ciyaaraha kubada cagta sanadkii 2001 waxana uu tababare ka noqday isla kooxda Fc Minze isaga oo adduunka ku soo jiitay shaqada fiican ee uu qabtay isaga oo kadib tababare u noqday kooxda Borussia Dortmund ka hor intii uuna Liverpool tababare u noqon sanadkii 2015.

2.Liverpool Oo Ku Guulaystay 15 Koob:

Waxa Run ah in ay Liverpool ka fogaatay ku guulaysiga premier League muddo aad u dheer laakiin taas ayaan ka hor istaagin in ay ku guulaysato koobab kale oo kala duwan oo aad u badan iyada oo ku guulaystay 15 koob oo kala ah 2 Champions League, 1 Eurppa League, 3 UEFA Super Cup, 3 FA Cup, 4 ELF iyo 2 Community Shield.

3.Man United Oo Noqotay Kooxda Ugu Guulaysiga Badan Horyaalka Premier League:

Tan ilaa markii ay Liverpool ku guulaysatay horyaalka sanadkii 1990 Waxa ay ahayd kooxdii ugu koobabka badanayd horyaalka dhanka ku guulaysiga iyaga oo ku guulaystay koobka 18 jeer Dhanka kale Man United ayaa horyaalka wakhtigaas ku guulaystay kaliya 7 jeer laakiin wixii wakhtigaas ka dambeeyay Red Devils ayaa 13 jeer ku guulaystay horyaalka iyaga oo haatan ah kooxda ugu guulaysiga badan horyaalka halka ay Liverpool wali 29 sano kadib ku taagantahay 18 koob.

4.Dhalashada Xiddigo Waaweyn:

Markii ugu dambaysay ee ay Liverpool ku guulaystay horyaalka premier league may dhalan xiddigaha waaweyn ee sida Eden Hazard, N’Golo Kante, Riyad Mahrez, Sterling, De Bruyne iyo waliba xiddigo kale oo badan, halka ay arinta la yaabka leh tahay in ay xiddigahaas dhamaantood ku wada guulaysteen horyaalka premier League waliba min laba jeer xilli ay Reds Raadnayso wali koobka horyaalka.

5.Laba Ronaldo Oo Soo Baxay:

3 sano kadib markii ay Liverpool ku guulaystay horyaalkeedii ugu dambeeyay waxa soo baxay weeraryahanka reer Brazil ee Ronaldo kaas oo isku qoray taariikhda kubada cagta kana mid noqday weeraryahanada ugu fiican adduunka ka hor inta uuna soo bixin Ronaldo kale kaas oo magaciiso ka bilowdo Cristiano kaas oo magaciisa kula meel qoray Halyeeyada soo maray kubada cagta halka ay Liverpool wali raadinayso ku guulaysiga horyaalka premier league.

6.Pep Guardiola, Ciyaartoy Kadib Tababare, Jose Mourinho, Turjumaa Kadib Tababare:

Sanadkii 1990 markii ay Liverpool ku guulaystay horyaalkeedii ugu dambeeyay Pep Guardiola ayaan ahayn ciyaartoy caan ah oo aad loo yaqaano laakiin kadib waxa uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kana mid noqday ciyaartoyada ugu fiican taariikhda Barcelona kadib noqday tababare hogaamiya Barcelona waliba la gaadhay guulo waaweyn iyo koobab, Dhanka kale Tababare Jose Mourinho ayaa ahaa Turjumaa laakiin waxa uu isku badalay tababare caan ka ah kubada cagta adduunka isaga oo hogaamiyay kooxo badan kuna guulaystay koobabka ugu waaweyn taariikhda kubada cagta laakiin inta ay waxaas oo dhan dhacayeen Liverpool ayaa raadinaysa wali koobka premier League

7.Barcelona 0 ilaa 5 Champions Leageu:

Barcelona ayaan marna ku guulaysan koobka champions League wixii ka horeeyay sanadkii 1990 laakiin haatan waxa ay ku guulaystay 5 jeer iyaga oo kaliya hal koob ka hooseeya kooxda Liverpool oo xilli ciyaareedkii hore ku guulaystay koobka champions League markii 6-aad ee taariikhdeeda.

8.Xoriyad Qaadashada Croatia & Gaadhista Finalka Koobka Adduunka:

Dalka Croatia ayaa xoriyadooda ka qaaday Yugoslavia sanadkii 1991 waxana ay noqotay dal gaar ah oo xoriyad haysta waxana uu xidhiidhka Croatia ku biiray kubada cagta FIFA sanadkii xigay iyaga oo xulka Crotia ka qayb qaatay tartamada kala duwan ee adduunka iyaga oo xitaa sanadkii 2018 gaadhay finalka koobka adduunka markii ugu horaysay taariikdooda laakiin Liverpool ayaan wali ku guulaysan koobka Premier League.

9.Nigeria Min 0 ilaa 6 Ka Qayb Gal Koob Adduun:

Ka Hor Sanadkii 1990 xulka qaranka Nigeria ayaan waligiis ka qayb galin koobka adduunka laakiin tan ilaa wakhtigaas oo ay liverpool ku guulaystay horyaalka markii ugu dambeeyay waxa ay ka qayb galeen 6 jeer oo kala ah 1994, 1998, 2002, 2010, 2014 Iyo 2018.

10.Donald Trump Oo Laba Jeer Faqiir Noqday kadib Madaxweyne U Noqday Dalka America:

Intii u dhexaysay sanadihii 1991 ilaa 2009 Madaxweynaha dalka America ee Donald Trump ayaa xaqiijiyay in uu Faqiir noqday 6 Jeer ama ay Bur-Bureen shirkadihiisii waliba noqday lacag la,aan Laakiin Donald Trump ayaa sanadkii 2017 noqday madaxweynaha dalka America laakiin Wixii intaas oo ay dhan ay dhacayeen Liverpool ayaa wali raadinaysa Ku guulaysiga horyaalka premier League.

11.Isku Biiristii Germany & Bur-Burkii Soviet Union:

Dhanka siyaasada waxa dhacay is badalo waaweyn tan ilaa markii ay Liverpool ku guulaystay horyaalkeedii ugu dambeeyay iyada oo ay ka mid tahay isku biiristii ama Midawgii dalka Germany kaas oo uu kala qaybiyay dagaalkii 2-aad ee adduunka kaas oo uu u kala qaybiyay 2 qaybood oo kala ah Galbeedka Jarmalka Iyo Bariga Jarmalka oo uu kala qaybiyay Darbigii weynaa ee caanka ahaa ee laga dhisay bartmaha caasimada Berlin waxana ay labada Germany isku biireen bishii October 1990 taas oo ku beegan 5 bilood kadib markii ay Liverpool ku guulaystay horyaalka. sidoo kale sanadkii 1991 waxa dhacay dhacdo kale oo caalami ah taas oo ah bur-burkii Soviet Union oo ahaa wadamo badan oo isku jira waliba ahayd awoodii ciidan ee ugu weynayd wakhtigaas kadib markii ay jireen 69 sano.

12.Schmeichel Wiilka & Aabihiis:

Goolhayaha Halyeeyga ah ee Peter Schmeichel ayaa sanadkii 1991 ku biiray kooxda Man United kooxdana kula guulaystay premier League 5 jeer waxa socday sanadaha waxana koray wiilkiisa Kasper Schmeichel kaas oo maray wadadii Aabihiis waliba noqday Goolhaye sidoo kale ku guulaystay horyaalka premier League sanadkii 2016 xilli ay Reds wali sugayso in ay Premier League keento Anfield.

13.7 Kooxood Oo Kala Duwan Oo Ku Guulaystay Premier league:

Tan ilaa 1990 waxa horyaalka premier League ku guulaystay 7 kooxood oo kala duwan hadii ay tahay magacii hore ee 1991 iyo 1992 ama magaciisa haatan waxana ay kala yihiin kooxahaas Arsenal, Man United, Chelsea, Leeds United, Man City, Blackburn iyo Leicester City.

14.7 Tababare Oo Ku Fashilmay In Ay Horyaalka Keenaan Anfield:

Tan ilaa 1990 kadib markii uu kooxda ka tagay Kenny Dalglish waxa Liverpool tababare u noqday 8 tababare marka lagu daro Jurgen Klopp oo ilaa haatan aan horyaalka ku hogaamin Liverpool