DAAWO:-Chelsea Oo Xasuuqda Malmo SAWIRRO

1514

Kooxda chelsea ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Malmo kulan ay dhaawacyo ku wayday labada xiddig ee Romelu Lukaku iyo Timo Werner.

Chelsea ayaa ahayd kooxda fiican ee kulanka iyaga oo ka awood badnaa kooxda Malmo min bilow ilaa dhamaadka ciyaarta.

Kooxda chelsea ayaa daqiiqadii 9-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Andreas Christensen kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Xiddiga khadka dhexe ee Jorginho ayaa laba rikoodhe kala dhaliyay labadii qaybood ee ciyaarta isaga oo goolka 1-aad dhaliyay daqiiqadii 21-aad ee ciyaarta.

Xiddiga Kai Havertz ayaa daqiiqadii 48-aad dhaliyay gool isaga oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa kana dhigay 3/0 xilli ay Blues hogaaminayso ciyaarta.

Daqiiqadii 57-aad ee qaybtii dambe ayuu Jorginho rikoodhe kale u dhaliyay kooxdiisa Chelsea isaga oo ciyaarta ka dhigay 4/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay chelsea sidaas ku gaadhay guul weyn oo ay u qalmeen iyaga oo sidaas ugu soo laabtay wada guulaha champions League.