Liverpool oo Oo Daqiiqadii Dhimashada Guul kagaartay Newcastle +SAWIRRO

278

Kooxda Liverpool ayaa daqiiqadii geerida guul ka gaadhay kooxda Newcastle kulan ka dhacay garoonka Anfield kana tirsanaa horyaalka premier League.

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada kooxoodba si fiican u ciyaareen gaar ahaan dhinaca difaaca xilli ay labada kooxdba iska ilaalinayeen in goolal laga dhaliyo.

Liverpool ayaa maamulaysay ciyaarta iyada oo kooxda Newcastle qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay doonayeen in ay goolal kaga dhaliyaan Liverpool.

Kooxda Klopp ayaa si weyn ugu dhibaatootay khadka dhexe xilli ay weerarka Liverpool sidoo kale dhibaatooday maadama ayna kubad badan soo gaadhayn khadka dhexe.

Newcastle United ayaa daqiiqadii 38-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Alexander Isak kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Liverpool aya wixii intaas ka dambeeyay ku dhibaatootay in ay dhaafto daafaca Newcastle kuwaas oo xita qaybta hore ee ciyaarta bilaabay in ay wakhtiga lumiyaan.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Liverpool ku dhibaatootay khadka dhexe isla markaas Newcastle United hogaaminayso ciyaarta.

Qaybta dambe ayay Liverpool si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay wakhti hore ku soo laabtaan ciyaarta isla markaas dhaliyaan goolka bar-baraha.

Daqiiqadii 61-aad ayay Liverpool heshay wixii ay doonaysay waxana ay dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Roberto Firmino kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Kadib goolka Liverpool, Newcastle United ayaa gabi ahaan difaac gashay iyaga oo Liverpool u diiday in ay kubada horay u soo wadaan isla markaas gabi ahaan iska joojiyay weerarkii ay qaadayeen.

Liverpool ayaa ilaa dhamaadka waday dadaalka ay ku doonayso goolka guusha xilli ay Newcastle difaac ku jirta waliba dhulka seexanayaan si ay wakhtiga u lumiyaan.

Daqiiqadii 90+8-aad ayay Liverpool dhalisay goolka guusha waxana u dhaliyay xiddiga Fabio Carvalho kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Liverpool ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool guusha gaadhay daqiiqadii ugu dambaysay ee ciyaarta xilli ay gaadhay guul soo laabasho leh oo muhiim ah.