Daawo: Ciidamo hubaysan oo l wareegay Xarunta Baarlamaanka Hirshabeelle

1746

Ilaalada Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa maanta la wareegay xarunta Baarlamaanka Hirshabeelle, iyagoo joojiyay kulan ay lahaayeen Guddiyada joogtada ee Baarlamaanka Hirshabeelle.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare inuu adeegsado awood ciidan, isla markaana Xildhibaanada loo diiday inay galaan xarunta

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa maalmihii u dambeeyay eedeymo u jeediyay Madaxda Hirshabeelle, iyagoo ka dalbaday inuu hor-yimaado, si loola xisaabtamo.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa 3-dii bishan dib ugu laabtay magaalada Jowhar oo uu mudo ka maqnaa, xili Qaar ka mid ah Xildhibaanada Hirshabeelle ay ku eedeeyeen Madaxda Hirshabeelle musuq maasuq baahsan, iyadoo aan la ogeyn halka ay ku baxeen lacagihii mushaarka Xildhibaanada.

Baarlamaanka Hirshabeelle oo aan xasilneyn ayaa dhowr jeer oo hore mooshin is-daba joog ah ka keenay madaxda maamulkaas, iyadoo lagu xusuustay in Madaxweynihii u horeeyay ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble in isagoo aan muddo sanad ah dhameysan in xilka laga tuuray.