DAAWO:-Ciidamo isku hor-fadhiya Godka Jilacow

1268

Waxaa maalintii labaad ciidamo la duldhigay xarunta taliska ciidanka NISA ee gobalka Banaadir, taasoo loo yaqaano Godka Jilacow

Ciidamadan ka tirsan hay’adda NISA ayaa kuwa loo yaqaan Duufaan, waxayna wataan gaadiidka loo yaqaano Beebaha, ayada oo la sheegay in qorshahoodu yahay inay qabsadaan xarunta, oo ay haystaan ciidan taageera ra’iisul wasaare Rooble.

Ciidanka Duufaan ayaa ah kan kaliya ee ka tirsan NISA ee taabacsan Farmaajo, waxayna u badan yihiin maleeshiyo ku beel ah, iyo xubno horey uga tirsanaa Al-Shabaab, balse dowladda isu soo dhiibay.

Si rasmi ah looma oga sababta ciidankaan maalintii labaad loo duldhigay xarunta Godka Jilacow. Shalay gelinkii dambe ayey ciidamadaan tageen banaanka Godka Jilacow, waxaana muddo xiisad ka taagneed ay ka tageen xalay Maqrabkii.

Sidoo kale maanta ayey dib ugu soo laabteen ciidanka Duufaan waxaana Aagga Taalada Daljirka Dahson ka jira xiisad culus iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan, oo u dhaxeysa ayaga iyo ciidan kale oo ka tirsan NISA.

Ciidanka Waran ee ku sugnaa Godka Jilacow ayaa shalay iyo maanta hortaagan ciidamada Duufaan, waxaana laga cabsi qabaa in uu halkaas ka dhaco dagaal u dhaxeeya labada ciidan.

v