DAAWO:-Croatia Oo Koobka Adduunka Ka Reebtay Brazil+SAWIRRO

431

Kulan xiiso leh ayaa dhexmaray Xulalka Croatia iyo Brazil kulan ka tirsanaa 8 dhamaadka koobka adduunka kulan ka dhacay Education City Stadium.

Kulanka ayaa ahaa mid isku dheeli tiran inkasta oo uu xulka Brazil ahaa xulka fursadaha badan helayay ciyaarta.

Xulka Croatia ayaa ku fiicnaa dhinaca difaacashada waxana ay ku dhibaatoodeen in ay wax fursado ah ku sameeyaan labada qayb ee ciyaarta xilli ay kaliya ku ekaayeen daafaca.

Xulka Brazil ayaa wax walba sameeyay laaakiin waxa ka maqnayd in ay gool u badalaan fursadaha ay helayeen ee ciyaarta.

90-kii daqiiqo ee ciyaarta ayaa ku dhamaaday bar-baro 0/0 ah xilli ay labada xul ku kala bixi waayeen ciyaarta wakhtigii dabiiciga ahaa.

Waxa la isla gaadhay wakhtiga dheeriga ah iyaga oo labada xul wali raadinayaan gool ay ciyaarta hogaanka ugu qabtaan.

Xulka Croatia ayaa wakhtigii dheeriga ahaa ee hore helay fursado cajiib ah oo ay goolal ku dhalin kareen laakiin waxa ay si lama filaan ah u khasaariyeen fursadahaas.
Daqiiqadii 106-aad ee qaybta hore ee wakhtiga dheeriga ah ayuu xulka Brazil dhaliyay gool waxana si qurux badan ugu dhaliyay xiddiga Neymar kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa.

Xulka Croatia Ayaa isku dayay in ay ku soo laabtaan ciyaarta laakiin xulka Brazil ayaa difaac adag galay si ay goolka u ilaashadaan isla markaas ciyaaraa weeraro rogaal celis ah.

Xulka Brazil ayaa bilaabay in ay wakhtiga lumiyaan halkii ay ka raadin lahaayeen gool ay ciyaarta ku dilaan isla markaas cadaadis saari lahaayeen xulka Croatia.

Laakiin arintaas ayaa dhib weyn ku noqotay xulka Brazil kadib markii ay daqiiqadii 116-aad xulka Croatia dhaliyay goolka bar-baraha una dhaliyay xiddiga Mislav Orsic kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Kadib markii ay labada xul bar-baro ku dhamaysteen 120 daqiiqo waxa la aaday rikoodhayaal si loogu kala boxo isla markaas mid guushu raacdo midka kale ku laabto gurigooda

Waxa ay guushu raacday xulka Croatia kuwaas oo ku badiyay rikoodhayaal 4/3 ah kadib markii xiddiga Rodrygo ee Real Madrid laga qabtay rikoodhadiisii halka xiddiga Daafaca ka ciyaara ee Marquinhos uu birta ku dhuftay rikoodhadiisii.