DAAWO:-Cumar Filish: “waa Cadaalad daro in Puntland la siiyo shahaadada dugsiga sare”

1927

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa caddaalad darro ku tilmaamay in laga laabato go’aankii Puntland looga joojiyay in la siiyo shahaadada dugsiyada sare iyagoo aan ka qeyb galin imtixaanka dowlada dhexe

Cumar Filish ayaa xusay in Wasaaradda Waxbarashada looga baahan yahay inay shahaadada siiso ciddii ka qeyb gasha imtixaanka dowladda, kana gudubta.

“Caddaalad uma aragno in qolo la yiraahdo imtixaankaaga gaar u qaado anagaa ku siinayna shahaado,” ayuu yiri Guddoomiye Cumar Finish oo hadalkan ka jeediyey munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho

Ka dib muran dheer iyo isjiid-jiid dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii hore u fasaxday Puntland in la siiyo shahaadada dugsiga sare kadib markii wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya uu labadii sano ee ugu dambeeyay ka joojiyay shahaadadaas, taasoo ka dambeysay markii Puntland ay diiday imtixaanka dowladda.