DAAWO:-Cumar Finish Oo Ka Hadlay Dumarka Faruuryaha Weyneysta

960

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa ka hadlay Dumarka faruuryaha weyneysta oo maalmihii lasoo dhaafay aad looga hadal haayey Caasimadda, kadib muuqaalo warbaahinta baahisay oo lagu arkay Dumar weyneysanaya faruuryaha.

Guddoomiye Cumar Finish oo ka qeyb galay kulan dood wadaag ayaa waxaa uu marka hore sheegay inay jiraan xarumo lagu qurxiyo dumarka oo Maamulka Gobolka siiyay shatiyo Ganacsi, isla markaana laga furay Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay inay soo gaartay arrinta la xiriirta inay jirto Xarumo dumar loogu weyneyo faruuryaha, ayna laamaha amniga dowladda Federaalka albaabada isugu laabteen xaruntaas.

“Gabdhuhu inay is qurxiyaan waan taageersanahay, laakiin in diinta laga tago maaha. Meeshii dibnaha (bushmaha) lagu weynaynayay waan xirnay kuwa kalena waa xiri doonnaa” ayuu yiri Duqa Magaalada Muqdisho oo ka qeyb galay kulan dood wadaag.

Sidoo kale Guddoomiye Cumar Finish ayaa Carabka ku dhuftay inay jiraan Xarumo kale oo lagu sameeyo qaliino dumarka jirkooda wax looga beddelo oo ay xireen, halka kuwo kalena ay qorsheynayaan la xiro.

Dhawaan ayay ahayd markii gabdho qalliin looga sameeyay farruuryaha ay kasoo muuqdeen baraha bulshada, iyagoo ku faanaya in ay ku faraxsan yihiin isbedel lagu sameeyay qeyb kamida jirkooda, waxaana arrintaan caro ka muujiyay dad farabadan oo Soomaaliyeed.