Israel oo aqbashay sii deynta Marwan Barghouti

147

Israa’iil ayaa lagu warramaya inay oggalaatay sii deynta Marwan Barghouti, oo ka mid ah siyaasiyiinta Falastiiniyiinta ee u xirnaa tan iyo 2002, kaaso hadda lagu soo dari karo maxaabiista lagu sii deynayo heshiiska wada-xaajoodkiisa ka socdo Qaahira.

Laakiin, waxaa la sheegay inay Israa’iil doonayso Barghouti, inuu tago Qasa , halkaa uu ka tagi lahaa Daanta Galbeed oo ah halkii laga xiray, waxaana hogaamiyahan ku jira xabsiga uu ku xukuman yahay xabsi daa’in.

Muddo dheer waxaa soo baxaysay , suragalnimada inay Xamaas u sharrixi doonto Marwan Barghouti, inuu hoggaamiyo qorshaha lagu dhisayo dawladda Falastiin oo madax bannaan, sababo la xiriira Barghouti oo ka tirsan Fatax inuu yahay nin ay ku kalsoonyihiin dhammaan dhinacyada Falastiiniyiinta.

Dhinaca kale, Israa’iil ayaa lagu warramaya inay ka shaqeynayso qorshe ay ku doonayso maamulka Qasa in loo qaybiyo qaybo ay ka talinayaan Sacuudiga, Imaaraadka iyo Masar, taasoo ka dhigan ciidamo dalalkaas ka socda oo Mareykanka uu weheliyo in la geeyo gudaha Qasa, ujeeddada ay arrintan Israa’iil ka leedahay ayaa lagu sheegay sidii ay ku gaari lahaayeen Sacuudiga inay la yeeshaan xiriir diblomaasiyadeed.

Tallaabadan lama oga sida ay usoo dhaweynayso Xamaas, dalalka Carab iyo xata kooxda midigta fog ee Israa’iil, xilli ay Israa’iil ku andacoonayso in qorshahan oo si hoose uga shaqeynayo xafiiska Netanyahu inuu yahay mid u gogol-xaaraya dhismaha dawladda Falastiin.

Qasa, si buuxda waxay u ahayd mid maamulkeeda uu hoostago Xamaas, oo dhowaan ballanqaaday inay kala diri doonaan guutooyinkooda hubaysan haddii la guda-galo dhismaha dawladda Falastiin,markaa oo ay u dhaqmayaan xisbi siyaasadeed.