DAAWO:-Dabageed” Cali Guudlaawe ayaa amray in ley xiro”

1887

Yuusuf Axmed Hagar dabageed Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Beledweyne ayaa waxaa uu eedeyn kulul u jeediyay Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe.

Gudoomiye Dabageed ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle uu amray ciidamada millateriga, Booliska iyo Nabad-sugida ee ku sugan baladweyne inay soo xiraan Gudoomiyihii xilka laga qaaday, hayeeshee waxaa uu sheegay inaysan iyagu xiri Karin.

Sidoo kale Dabageed ayaa waxaa uu Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo dhamaan mas’uuliyiinta kale ee Maamulkaas ku eedeeyay inay dhaqaalo kasoo doonteen Magalada Baladweyne,isla markaana aysan shaacineyn waxyaabaha ay dadka Reer Hiiraan ugu qabanayaan, sida uu hadalka u dhigay.

Yuusuf Axmed hagar dabageed ayaa Madaxweynaha Hirshabeelle ku eedeeyay in uu kala qeybiyay, islamarkaana jufo jufo u kala qeybiyay beesha ay labadana ka soo jeedaan.

Maalin ka hor ayay aheyd markii xilka laga qaaday Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.