DAAWO:- Deni iyo Qoor Qoor oo heshiis kala saxiixday

90

Madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Puntland oo ay wehlinayeen masuuliyiin kale oo ka tirsan labada dhinac ayaa Xalay kulan ku yeeshay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo ay kala maamulaan dhinacyada Waqooyiga iyo Koonfurta.

Shirkaan Xalay Gaalkacyo ku dhexmaray Madaxweynayaasha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor iyo dhiggiisa Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa looga arinsaday sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya labada maamul.

Warsaxaafadeed kasoo baxay shirka ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ku heshiiyeen afar qodob oo muhiim u ah Iskaashiga labada dhinac ee arrimaha Amniga, Nabadaynta, Ganacsiga iyo Is dhexgalka bulshada Puntland iyo Galmudug, maadama labada maamul kala maamulaan qeybo ka mid ah gobolka Mudug.

Labada madaxweyne ee Galmudug iyo Puntland ayaa boggaadiyay wada shaqeynta hay’adaha kala duwan ee labada maamul, waxaana bulshada labada maamul ee ku nool gobolka Mudug uga mahadceliyeen sida ay uga shaqeeyaan amniga iyo nabad gelyada deegaanka.


Hoos ka akhriso qodobada laga soo saaray shirka oo faahfaahsan:-