Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macalin, oo maanta lasoo wareegay maxaabiistii dagaalka ee Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshaha dowladda federaalka ee kala wareejinta maxaabiista dagaalka ee Somaliland iyo SSC-Khaatumo.
Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in SSC-Khaatumo aanay wax shuruud ah ku xirin maxaabiista ay soo deysay, waxayna SSC ugu baaqday Somaliland inay ku dayso oo iyaguna xoriyad helaan Maxaabiista uga xiran Hargeysa.
Wasiirka oo wareysi siiyay Warbaahinta Qaranka, ayaa faahfaahin ka bixiyay xaaladda maxaabiista ay Dowladda Soomaaliya kala soo wareegtay Maamulka SSC, kuwaas oo gaaraya 25 qof.
Sidoo kale, Xasan Macalin, ayaa sheegay in maxaabiista kale ee weli xiran ay booqdeen, isla markaana ay soo arkeen xaaladda ay ku sugan yihiin, “waxaan soo aragnay ciidan iyo saraakiil dagaal lagu qabtay,” ayuu yiri.
“Maxaabiista sida loola dhaqmo ayaan xog fiican ka soo helnay, saraakiisha xabsiga gacanta ku heysa iyo maxaabiistaba waan soo wareysanay, xuquuqda ay helaan waa fiicneed waxay noo sheegeen in xoriyadda kaliya ay ka maqan tahay,” ayuu yiri wasiir Xasan.
Sidoo kale, wasiirka cadaaladda ayaa sheegay in loo soo xulay saraakiishii iyo xubnihii ugu muhiimsanaa ee maxaabiista, “waxay noo sheegeen in raggii dagaalka geliyey ay xalka ka sugayaan.”
“Waxaan maxaabiista ka dhagaysanay warbixintii ay naga siiyeen xaaladooda, waxay ahaayeen dad dhogor qurxoon, waxay noo sheegeen in colaad nasiib darro ah ay dhex martay dadkaan ehelkooda ah ee ay u xiran yihiin,” ayuu yiri.
Maxaabiista ayaa galabta laga soo dejiyey Muqdisho, waxaana la geeyey goob ay ku nastaan, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in maxaabiistaan ay qoysaskooda ku wareejineyso.