daawo:-Everton Oo dirqi kubareejaysay Man United +SAWIRRO

1547

Everton ayaa daqiiqaddii ugu dambaysay barbarro ku qabatay Manchester United oo ay ugu tagtay Old Trafford, ciyaar aad u adkayd oo ay laba jeer ay Red Devils hoggaanka qabatay.

Manchester United ayaa qaybtii hore heshay laba gool oo ay u dhaliyeen Edinson Cavani iyo Bruno Fernandes, iyadoo waqtiga nasashadana ay labada kooxood u baxeen iyadoo 2-0 ay Red Devils ciyaarta ku hoggaaminaysay.

Everton ayaa bilowgii qaybta labaad waxay la timid laba gool oo ay saddex daqiiqadood u dhexeeyeen, kuwaas oo ay saxeexeen Abdoulaye Doucoure iyo James Rodriguez.

United ayaa mar kale hoggaanka ciyaarta qabatay daqiiqaddii 70aad, waxaanay ciyaarta hoggaaminayeen illaa daqiiqadii ugu dambaysay waqtiga dheeriga ah ee ciyaarta lagu daray, markaas oo Dominic Calvert-Lewin uu ciyaarta ka dhigay 3-3.

Labada kooxood ayaa iska lumiyey fursado badan, hase yeeshee waxay dhibcaha ku wadaageen barbarro 3-3 ah.
Manchester United ayaa yeelatay 45 dhibcood iyadoo laba dhibcood ka dambaysa Man City oo hoggaanka haysa, Axaddana la ciyaaraysa Liverpool, halka Everton ay soo gashay kaalinta lixaad oo ay haysato 37 dhibcood

Shaxdii labada kooxood

EVERTON (4-3-3): Robin Olsen; Lucas Digne, Ben Godfrey, Michael Keane, Mason Holgate; Abdoulaye Doucoure, Tom Davies, Andre Gomes; Richarlison, Dominic Calvert-Lewin, James Rodriguez.

Kaydka: Joshua King, Alex Iwobi, Gylfi Sigurdsson, Bernard, Niels Nkounkou, Yerry Mina, Fabian Delph, Joao Virginia, Seamus Coleman.

MANCHESTER UNITED (4-2-3-1): David de Gea; Luke Shaw, Harry Maguire, Victor Lindelof, Aaron Wan-Bissaka; Scott McTominay, Paul Pogba; Marcus Rashford, Bruno Fernandes, Mason Greenwood; Edinson Cavani.

Kaydka: Dean Henderson, Nemanja Matic, Alex Telles, Daniel James, Brandon Williams, Fred, Anthony Martial, Axel Tuanzebe, Donny van de Beek.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa hal isbeddel oo kaliya ku sameeyey safkii uu kula ciyaaray Southampton, waxaana kaliya uu keenay Paul Pogba oo beddelay Fred, halka shaxda inteeda kale ahayd safkii xasuuqa u geystay Southampton.

Carlo Ancelotti ayaa isaguna saddex beddel ku sameeyey safkii guul-darrada soo hooyey ciyaartii Leeds, waxaanu keenay Keane oo beddelay Mina, Sigurdsson iyo Iwobi oo kaydka galay, halka Davies iyo Rodriguez ay iyaguna yimaaddeen.

Edinson Cavani ayaa jabiyey derbiga gool la’aanta ee kulanka, waxaana uu daqiiqaddii 23aad ee ciyaarta shabaqa Everton ku hubsaday kubbad ka timid Marcus Rashford oo uu madax ku qabtay isagoo masaafo lix yard ah u jiray goolka uu waardiyaha ka ahaa Olsen.

Paul Pogba ayaa ka baxay Manchester United qaybta hore oo gabogabo ah, waxaana lagu beddelay Fred. laakiin taasi waxay markiiba fursad siisay Everton oo ku dhowaatay inay ka faa’iidaysato qalad uu sameeyey Lindelof oo markii dambe isasoo saxay. Weeraryahanka reer Brazil ee Richarlison ayaa dhinaca bidix kala yimid kubbad iyadoo uu goolhaye De Gea goiolka kasoo baxay, waxaanu ku toogtay goolka hase yeeshee laacibka reer Spain ayaa si degdeg ah goolka usoo galay, iyadoo uu badbaadiyey Lindelof.

Manchester United ayaa sii dheeraysatay hoggaanka ciyaarta daqiiqaddii ugu dambaysay qaybta hore, waxaana baas ka yimid Wan-Bssaka gool u beddelay xiddiga reer Portugal ee Bruno Fernandes.

Everton ayaa dardar lasoo gashay qaybta labaad, waxaana afar daqiiqadood oo kaliya markii ay socotay ay heleen goolka koowaad oo uu u dhaliyey Abdoulaye Doucoure oo natiijada ciyaarta ka dhigay 2-1.

Red Devils oo aan wali kubadda isla jaan-qaadin ayaa waxa laga gaadhsiiyey gool labaad oo uu ka dhaliyey James Rodriguez oo shabaqa ku hubsaday kubbad uu ka healy Abdoulaye Doucoure.

Dhamaadka ciyaarta oo ay ka dhiman tahay 20 daqiiqadood ayay Manchester United u qaadatay inay guusha kulanka heshay, waxaana kubbad laag xor ahayd oo uu soo qaaday Bruno Fernandes madax ku qabtay McTominay, waxaana iyadoo la filayay inuu goolhaye Olsen qabtay ay haddana si lama filaan ah kubaddu u gashay goolka iyadoo uu goolhayuhuna sidii wax siibtay usoo dhacay.

Richarlisson ayaa kubbad uu Dominic Calvert-Lewin kasoo boobay Harry Maguire uu u dhiibay Richarlison oo isaguna Lindelof oo kalidii ah ula tegahy, hase yeeshee kubadda ayuu meel kale u laaday.

GOOAAAALLLLLLLL!! Manchester United 3-3 Everton – Dominic Calvert-Lewin ayaa ciyaarta ka dhigay barbarro daqiiqaddii ugu dambaysay ciyaarta, waxaana kubbad laag xor ahayd oo uu madax kusoo dhiibay Keane ay lugta u gashay Dominic Calvert-Lewin oo isku tuuray, kana hoos bixiyey goolhaye David de Gea.

Isla markii ay Manchester United isku taabatay kubadda ayuu garsooruhu yeedhiyey siidhiga dhamaadka.