DAAWO:-Farmaajo wixii uu 3 sano inkirayey ayuu aqbalay

1993

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ka mid ah Golaha Shacabka oo maanta ka hadlayey kulankii barlamaanka lagu horgeeyey heshiiskii doorashada ayaa eedaymo u jeediyey madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaan Odawaa ayaa sheegay in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu si toos ah ugu fashilmay hoggaanka dalka, islaamrkaana Saddexdii sano ee lasoo dhaafay Shacabka been loo sheegayay.

Waxa uu ka codsaday madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu horyimaado labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya si wax looga weydiiyo waqtiga la lumay Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambayntiina xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa tilmaamay in aan loo baahneyn in baarlamaanka Soomaaliya uu ka taggo isla xisaabtanka.