DAAWO:-FIQI oo ka hor-yimid qorshaha Qoor Qoor

1834

Wasiirka amniga dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ku biiray mucaraadka uu markii hore ka tirsanaa balse ka haray, markii loo magacaabay wasiirka amniga Galmudug.

Qoor-Qoor iyo Axmed Macalim Fiqi isku fahmi waayeen sidii laga yeeli lahaa guddiga doorashada Galmudug ee heer federaal.

Wasiir Fiiq ayaa u sheegay Madaxweyne Qoor-Qoor inuu ku biiray dagaalka siyaasadeed oo ay ku jiraan Mucaaradka, islamarkaana uusan wax ku darsan karin Fahad Yaasiin iyo Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, ayaa musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ka diiday inuu badalo guddiga doorashada.

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in Axmed Macalim Fiqi uu qeyb ka yahay guddi maalmaha soo socda tagi doono Dhuusamareeb kuwaas oo ka socda Madasha Xisbiyada Qaran.

Lama oga sida uu ka yeeli doono Madaxweyne Qoor-Qoor go’aanka uu qaatay wasiirkiisa amniga waxaase la sheegayaa in saraakiil ka tirsan Villa Somalia kula taliyeen inuu xilka ka qaado, go’aankaas oo uusan wali qaadan Madaxweyne Qoor-Qoor.