DAAWO:- Rooble oo howlgeliyey Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal

1302

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay, islamarkaana si rasmi ah u howlgeliyey xubnaha guddiyada doorashooyinka iyo kuwa guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada 2020/2021-ka.

Kulanka oo ka dhacay hotelka Decale oo ku yaalla gudaha garoonka Aadan Cadde ayaa Rooble oo madasha ka hadlay ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday in maanta wixii ka dambeeyey ay si rasmi ah u howl-galeen guddiyadaasi.

Sidoo kale wuxuu kula dar-daarmay inay ka shaqeeyeen sidii ay dalka uga dhici laheyd doorashada cadaalad oo dhinacyada oo dhan ay u siman yihiin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhammaan Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal lagu soo xulay aqoontooda iyo in dalka ay u horseedi karaan doorasho daah-furan oo cadaalad ku saleysan, kana tarjumeysa horumarka dalka iyo sii amba qaadidda dowladnimadeenna, iyadoo la ilaalinayo qoondada haweenka ee 30%.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo kula dardaarmay Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal in ay cadaalad iyo daacadnimo ku hirgeliyaan doorashooyinka 2021 ayaa Alle uga rajeeyey in uu ku guuleeyo howshan Qaran ee loo xilsaaray

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale ka dalbaday guddiyadan inay si gaar ah u ilaaliyaan qoondada haweenka ee ah 30%.

“Waxaa la idinka soo xushay bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan, si aad u hoggaamisaan doorashooyinka oo la idinku aaminay masuuliyadaas, waxaa la idin kaga fadhiyaa inaad si caddaalad iyo hufnaan leh u hoggaamisaan, idinkoo ilaalinaya qoondada haweenka ee 30%,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Si kastaba xubnaha guddiyadan oo u badan dhalinyaro ayaa waxaa si weyn uga soo horjeedo musharraxiinta mucaaradka oo shaaciyey in aysan ku kalsooneyn guddiyadaasi.

Sidoo kale, xubnaha la howlgeliyey ayaa waxaa ka maqan kuwii ay soo magacaabeen Jubaland iyo Puntland oo aan weli iman magaalada Muqdisho, sida ay noo xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan labada maamul goboleed.