DAAWO: Firdhiye “Somaliland haday far taagto, 5 baan taagaynaa”

170

Hoggaamiyaha maamulka SSC-KHAATUMO, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa sheegay in aysan diyaar u aheyn in dhibtii uu maamulka Somaliland u geystay dadkooda ay si lamid ah geeystaan dhib, kana aargoostaan.

Firdhiye ayaa xusay in xanuunka iyo dhibkii loo geystay ay go’aansadeen in mid lamid ah geysan, kadib markii ciidanka deegaanka SSC jabiyeen milateriga maamulka Somaliland ayna gaareen xaduudka Guumeys, iyagoo xakameeyay askartooda una diiday in ay qabsadaan dhul aysan laheyn sida Oog.

“Go’aanka iyo talada laga qaadanayo, wixii dhacay waxa laga yeelayo Soomaali bay u taalaa idinkaana ka wakiil ah” ayuu yiri Cabdulqaadir Firdhiye oo ka hadlayay casho-sharaf xalay loogu sameeyay Laascaanood wafti isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro oo shalay gaaray magaaladaas.

“Xanuunkii iyo dhibaatadii nala soo gaarsiiyay ma doonayno in aan ka aargoosano, ma doonayno in aan xadgudubno, ma doonayno in dhibaatadii dhibaato ka dabageyno. Sababta aan sidaas u yeelayno ma aha in aanan diyaar u ahayn in dhibaato aan geysano kali ah, waxaa weeye guushii deegaankan ay ku hanteen taladooda in ay noqoto guul Soomaaliyeed, in ay noqoto guul midnimo, in ay noqoto guul hormar” ayuu intaa ku daray Hoggaamiyaha SSC-KHAATUMO.

Maamulka Somaliland ayuu uga digay in duullaan cusub ay kusoo qaadaan gobalka Sool iyo deegaanada kale ee SSC. Firdhiye ayaa tilmaamay in aysan indhaha ka eegan doonin weerar uga yimaada Hargeysa iyo Burco.

“Ilaa iyo hadeerto, waxgaradka Hargeysa iyo Burco haday dhaqan ahaan lahayd, haday culimo ahaan lahayd, haday siyaasiyiin ahaan lahayd nabaddii aan ku baaqnay wax ka jawaabay oo nala qaatay ma jiraan, taa bedelkeeda Muuse iyo rajiimkiisu waa soo dhaaranayaan, col bay soo humayaan, waxaa nagala gudboon colkaas in fartay taagaan shan ka taagno.”