DAAWO:-Gud.Gobolka Gedo oo sheegay inay maamul cusub samay sanayaan 8 Ogosto

1378

Maamulka gobolka Gedo ee taabacsan Villa Somalia ayaa shaaca ka qaaday inay maamul cusub u dhisayaan Jubaland marka la gaaray bisha 8-aad ee soo socota, tani oo muujineysa in xiisadda gooblka Gedo ay weli sideeda u taagan tahay.

Guddoomiyaha gobolkaas ee ku xiran Villa Somalia Axmed Buule Canjeex, oo wareysi siiyey BBC-da, ayaa sheegay in muddo xileedka Axmed Madoobe uu ku eg yahay bisha August, kadibna ay dadka gobolka dhisan doonan maamul cusub, sida uu hadalka u dhigay.

“Marka ay dhammaato muddada xilka Axmed Madoobe) ma jirto cid naga hor istaageyso in aan aayaheena ka tashano, waana go’aan ay gaareen dadka deegaanada Jubaland, dal iyo diba, waa la isku xiran yahay. Guddiyo ayaa la sameystay sidii gogoshaas ay ku meel mari lahayd,” ayuu yiri Axmed Buule.

“Ha u gudbiyo laakin, Axmed muddadiisa 20-ka bisha siddeedaad ayay ku ektahay, hal maalina cid ugu dari karta ma leh, ciddi howshaas damacdana waxay diyaar u tahay dhibaatada dhulkaas ka dhacdo in iyaga la weydiinaayo,” ayuu sii raaciyey.

Axmed Buule ayaa u muuqda inuu tixraacayo qoraal 14-kii July 2020 kasoo baxay dowladda federaalka, oo ay ku sheegtay inay Axmed Madoobe ugu aqoonsatay madaxweynaha ku-meel gaarka ah ee Jubaland, muddo laba sano ah oo ka billaabaneysay bishii August 2019, oo aheyd markii la doortay.

Axmed Madoobe ayaa ku gacan seeray qoraalkaas kasoo baxay Villa Somalia, isla maalinkii ay soo saartay, kuna tilmaamay mid sharci-darro ah, mana cadda sida hadda loogu dabaqi karo.