Deni, Farmaajo, Xasan Sheekh iyo Kheyre oo usoogudbay wareega labaad

661

Waxaa goordhow soo idlaaday tirinta codadka doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee ka socota Teendhahda Afisyoone ee magaalada Muqdisho, ayada oo loo gudbayo wareegga labaad.

Waxaa doorashada ka qeyb-galay 34 musharax, waxaana ka mid ah madaxweynaha xilka haya Maxamed Cabdullaahe Farmaajo iyo madaxweynayaal hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo ra’iisul wasaare hore Xasan Cali Kheyre.

Natiijada ay shaaciyeen guddiga doorashada ayaa lagu sheegay in wareegga koowaad ay ugu cod badan yihiin Saciid Cabdullaahi Deni, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xasan Cali Kheyre.

1-Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu helay 65 cod,

2-Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu helay 59 cod,

3-Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu helay 52 cod,

4-Xasan Cali Kheyre uu helay 47 cod.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo kaalinta shanaad galay ayaa helay 39 cod, balse uma gudbayo wareegga labaad. Waxaa jira codad badan oo gaaraya illaa 13 oo hallaabay.

Doorashadan ayaa aheyd tii ugu adkeyd, waxaana afarta musharaxa ee ugu koreeya u dhaxeysay kaliya 18 cod, taasi oo muujineysa inuu dhacay tartan adag.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa sheegay inay joogaan 329 xildhibaan oo isugu jiray xubnaha Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare, balse waxaa codeeyey

Musharaxa hela laba meelood saddex meel codadka wareegga labaad ayaa ku guuleysanaya tartanka doorashada madaxweynaha. Haddii aanay sidaas dhicin, waxaa wareegga ugu dambeeya u gudbaya labada musharax ee ugu codadka badan.

Wareegga ugu dambeeya ayaa waxaa lagu kala baxayaa cod dheeri, waxaana xilka madaxweynaha ku guuleysanaya musharaxa ugu codka badan.