DAAWO Iran oo markab kale qabsatay

2106

Wararka ka imanaya Bariga Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada Iran ay markab kale ku qabsatay gacanka Camaan.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xigatay warbaahinta dalka Iran ayaa sheegtay in ciidamada Ilaalada Kacaanka ee ay qafaasheen markab shidaal oo marayay gacanka Cumaan, kaas oo ay sheegeen in shidaal sharci darro ah u siday qaar ka mid ah dalalka Carabta.

Waxay sheegtay in markabka uu siday shidaal cadaddiisu gaarayso ilaa 700,000 oo litar, waxayna intaasi ku dartay in toddobo qof oo shaqaale ka ahaa markabkana la xiray.

Dhacdadaan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xasaradda gacanka Carbeed.