DAAWO-Isimadii Puntland oo sheegay inay kaqayb galayaan doorasahda Soomaaliya

1824

Qaar kamid ah isimada dhaqanka ee deegaamada Puntland oo warbaahinta kula hadlay duleedka magaalada Garoowe ayaa waxa ay ka hadleen xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo muranka la xiriira doorashooyinka sanadkaan 2021.

Isimada oo hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga gudbo khilaafka hareeyey doorashada madaxtinimada Soomaaliya iyo barlamaanka, iyagoona caddeeyey inaysan aqbali doonin in Puntland ay ka harto doorashooyinka loo balansan yahay in dalka ay ka dhacaan kadib markii ay madaxda Puntland ka biyo diideen qaabka wax u socdaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayey ugu baaqeen inuu kaalin muhiim ah ka qaato arrimaha taagan isla markaana uu aqbali xallinta tabashooyinka ay qabaan maamulada kajira dalka iyo musharixiinta tartanka gelisaysa si meesha looga saaro waxkasta oo mugdi keeni kara.