DAAWO:- James Swan oo farriin u diray Farmaajo

1828

Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa Golaha Ammaanka ee QM ee Soomaaliya u gudbiyey warbixin uu kaga hadlayo xaaladda Soomaaliya, wuxuuna carabka ku akdeeyey muhiimadda sanadkan 2020 uu u leeyahay Soomaaliya.

“Sanadkan 2020, Soomaaliya waxay wajaheysaa tijaabo muhiim u ah horumarka dhismaheeda dowladeed, ayada qabaneysa doorasho taariikhi oo ah qof iyo cod,” ayuu yiri James Swan.

Swan ayaa waxa uu sheegay inay qasab tahay in lasii wado dhaqankii ay Soomaaliya caanka ku ahayd sanadihii dhowaa ee ahaa in awoodda si nabad-galyo ah loo wareejiyo.

“Sanadihii tagay Soomaaliya waxay aas-aastay diiwaan joogto, oo ah u wareejinta xukunka ee si nabad-galyo ah. Horumarkan ammaanta mudan waa la joogteeyaa 2020,” ayuu yiri James Swan.

Hadalka James Swan ayaa u muuqday mid jawaab toos u ah walaaca xooggan ee ay qabaan siyaasiyiinta mucaaradka ee ku aadan in madaxweyne Farmaajo uusan wareejin dooninm xukunka, haddii looga adkaado doorashada.

Dhinaca kale, Swan oo ka hadlay sharciga doorashooyinka qaranka ee ay soo meel-mariyeen labada aqal, islamarkaana uu saiixay madaxweynaha, ayaa sheegay in kasta oo uu yahay tallaabo horey loo qaaday, haddana uusan wax ka qaban su’aalo badan oo taagan.

Waxyaabaha weli u baahan in wax laga qabto ayuu Swan ku sheegay inay ku jiraan sida loo damaanad qaadayo kuraasta 30% ah ee haweenka ay ku yeelanayaan baarlamanka, iyo sida dhammaan Soomaalida ay codkooda ku dhiiban karaan.