Baarlamanka Somalia oo ku dhegan Wasiirkii amray in la xiro Tiktok

226

Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u yeeray Wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda ee XFS, si su’aalo looga weydiiyo go’aan uu dhawaan ku dhawaaqay.

Wasiirka oo dhawaan guddoomiyay shir ka qabsoomay xarunta wasaaradda ayaa sheegay in la xirayo qaar kamid ah baraha bulshada po dadka Soomaaliyeed ay aad u isticmaalaan.

Barahan ayaa kala ah TikTok, Telegram iyo aaladda qamaarka lagu dheelo ee 1XBET, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda Soomaaliya.

Guddiga Warfaafinta ee Golaha Shacabka ayaa warqad wargelin ah u diray si uu usoo xaadiro kulanka guddiga ee qabsoomaya 27-kaa bishaan, si su’aalo looga weydiiyo arrimo ku saabsan howlaha wasaaradda.

“Guddiga oo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah ee ku xusan qodobka 69-aad Faqradda 2-aad xarafka (C) iyo qodobka 53-aad faqradda 1-aad ee xeer hoosaadka Golaha Shacabka, waxaa si xushmad leh lagugu wargelinayaa in aad hor imaado kulanka guddiga oo qabsoomaya Agoosto 27, 2023,” ayaa lagu yiri warqadda guddiga u diray wasiirka.

Arrintaan ayaa sidoo kale waxaa wax ka og guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, sida ku cad warqadda wargelinta ah ee loo diray wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda Soomaaliya.

U yeerista wasiirka ayaa salka ku haysa buuqa durba ka dhashay go’aanka uu ku dhawaaqay, kaasi oo diidmo kala horyimaadeen qaar kamid ah dhalinta sida joogtada ah ugu xiran barahaasi.

Inta badan go’aannada masiiriga ee noocaan ah ayaa mara Golayaasha sharci dejinta ee dalalka ay ka jirto warbaahinta xorta ah, kuwaasoo ka yeesha dooddo adag iyo go’aan gaaris guud.