DAAWO:-Kheyre oo Caabudwaaq tagay+SAWIRRO

1636

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray Magaalada Caabudwaaq ee maamulka Galmudug, waxaana uu halkaasi Khudbad u jeediyay qaar ka mid ah Shacabka Magaalada.

Kheyre ayaa sheegay in maalmo joogi doono Magaalada Caabudwaaq, islamarkaana uu kulamo kala duwan la yeelan doono Madaxda maamulka Galmudug iyo odayeyaasha dhaqanka.

Waxaa uu sheegay in ay dhisi doonaan Galmudug mideysan oo dhammaan maamulkeeda siman loo qeybsado, islamarkaana laga ilaaliyay sadburi.

Waxaa soo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey.