DAAWO:-Ganacsatadii Soo Jeedinta Samaysay oo lagu Shaambadeeyay Xisbiga Waddani

238

Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Cabdilaahi Xuseen Maxamed ayaa shaaciyey in ganacsatadii dhawaan soo jeedinta ka samaysay khilaafka siyaasadeed ee dalka ka taagani ay ka tirsan yihiin xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

wasiir ku xigeenka Cabdilaahi oo u waramay Horyaaltv 24 ayaa shaaciyey aragtida ay xukuumadu ka qabto qodobadii ay soo jeediyeen ganacsatadu.

“Ganacsatadii waaweynayd ee dhowaan ka hadlaayey Xalka Doorashooyinka waxay ka tirsanyihiin Xisbiga Waddani Sidaa darteedna Xukuumad ahaan kuma kalsoonaan karno Wixii ay soo saareen.”