DAAWO:-Khilaaf soo kala dhexgalay Baarlamaanka Puntland iyo Golaha Wasiirada

1858

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa madaxweyne Deni ku eedeeyay, in uu ku ciyaaray Hab-maamuuskii dowladnimo, kadib markii uu kusime ka dhigtay wasiirkiisa Caddaaladda.

Abuukaate Ismaaciil oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Garoowe, ayaa sheegay in haddii madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu dalka ka maqan yihiin, ay tahay in talada lagu celiyo Guddoonka Baarlamaanka, maadaama Puntland ku dhisan tahay Parliamentary system.

Parliamentary system: waa nidaamka madaxweynaha ay soo doortan Golaha Baarlamaanka, sidaas darteedna dowladda nidaamkaas ku dhisan, hay’adda ugu sarraysaa waa Baarlamaanka.