DAAWO:-Leicster City Oo Garaacday Man United +SAWIRRO

1616

Kooxda Leicster City ayaa dhulka la dhacday Man United kulan xiiso lahaa oo ka dhacay King Power kana tirsanaa horyaalka premier League.

Qaybta hore:

Kulanka ayaa ahaa mid xiiso iyo xamaasad leh marka loo eego in ay labada kooxood isku yaacayeen waliba aan la kala cabsanayn koox walbana doonayso dhibcaha kulanka.

Labada kooxood ayaa ahaa kuwo ay ka go’antahay in ayna lumin dhibcaha kulanka xilli ay qaadayeen weeraro iyo weerar celis ay ku doonayeen natiijada ciyaarta.

Kooxda Man United ayaa laga fiicnaa marka la eego kulanka lana qiimeeyo kubadaha la laaday inkasta oo ay United ku fiicnayd kubad hasashada.

Difaacyada Man United ayaa u muuqday kuwo aan xalay seexan marka la eego khaladaadka ay samaynayaan kuwaas oo ay Leicester City ku fashilantay in ay ka faa’iidaysato.

Goolhaye David De Gea ayaa marar badan asturay khaladaadka difaaca Man United isaga oo sameeyay badbaadino cajiib ah oo aan la rumayan karin.

Daqiiqadii 19-aad ayay Man United si lama filaan ah hogaanka ugu qabaay ciyaarta waxana gool u dhaliyay xiddiga Mason Greenwood kaas oo gool wareer ah u dhaliyay Man United.

Laakiin Leicester City ayaa bilowday in ay raadiso ku soo laabashada ciyaarta kadib markii looga horeeyay gool inkasta oo ay ahaayeen kooxda fiican.

Daqiiqadii 31-aad ayay Leicester City dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Youri Tielamans kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Labada kooxood ku kala bexeen bar-baro 1/1 ah inkasta oo ay labada kooxoodba si cajiib ah u ciyaareen.

Qaybta dambe:

Kooxda Leicester City ayaa qaybtii dambe ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay la wareegaan hogaanka ciyaarta xilli ay Difaacyada Man United samaynayaan khaladaad badan.

Kadib fursado badan oo ay iska cuntay Leicester City ayaa daqiiqadii 78-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Caglar Soyuncu kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Man United ayaa daqiiqadii 82-aad dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Marcus Rashford kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.

Laakiin Leicester City ayaa daqiqiadii 83-aadba hogaanka dib ula wareegtay iyaga oo uu gool qurux badan u dhaliyay xiddiga Jamie Vardy kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2.

Leicester City ayaa daqiqiadii 90+1-aad dhalisay goolka ay ciyaarta ku dishay waxana u dhaliyay xiddiga Patson Daka kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/2 ay Leicester City ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Leicester City xasuuqday kooxda Man United dhabarkana u saartay guuldaradii 2-aad ee xilli ciyaareedkan.