DAAWO:-Liverpool iyo Arsenal oo ku kalatagay bar bardhac +SAWIRRO

1370

Arsenal ayaa barbaro ku heshay garoonka Anfield Road iyadoo 10 ciyaartoy ku ciyaareysay inta ugu badan kulankii soo dhamaaday ee lugta hore wareega quarter final-ka koobka Carabao Cup, waxeyna sugi doonaan lugta labaad ee lagu ciyaarayo garoonka Emirartes Stadium.

Labada kooxood waxey ku ciyaari doonaan Emirates Stadium kulankooda labaad, waxaana la ogaan doonaa markaas kooxda final-ka kula midoobi doonta Chelsea oo goor hore iska xaadirisay kama dambeysta.

Liverpool iyadoo gurigeeda joogta ayey ku bilaabatay si adag, maadaama ay joogaan Anfield waxey bilowga kulankaba bilaabeen cadaadis weyn oo ay saarayaan goolka Arsenal, iyado ciyaartoyda Gunners ay iska caabin macquul ah sameynayeen.

Daqiiqadii 11-aad: Arsenal dhibaato bilow ah ayaa soo food saartay kadib markii Cedric oo dadabka midig ciyaarayay dhaawac looga saaray, waxaana ciyaarta lasoo galiyay Calum Chambers.

Daqiiqadii 13-aad: Arsenal ayaa ka badbaaday in hogaanka laga qabto kadib markii Robertson uu kubad halis ah geesta kasoo qaaday, waxaana banaanka u saaray Nketiah.

Daqiiqadii 18-aad: Liverpool ayaa kubad ay gooshooda kasoo badbaadiyeen, ku hindistay weerar gaadmo ah, Arnold ayaa abuuray balse Diogo Jota kama faa’ideysan kubadaas.

Daqiiqadii 24-aad: Granit Xhaka ayaa kooxdiisa cuuryaamiyay kadib markii uu haraantiyay Jota oo goosha kusii socda, waxaana loo taagay kaarka cas, wuxuuna qaadatay kaarkiisii 5-aad tan iyo markii uu yimid kooxda Gunners kulamada maxaliga ah.

Mikel Arteta wuxuu sameeyay gadaal u gurasho, wuxuuna garoonka soo galiyay Rob Holding, wuxuuna kooxdiisa u hawlgaliyay iney difaac ka galaan weerarka Liverpool.

Reds waxey aheyd kooxda maamulka u heysay ciyaarta qeybteeda hore sida ugu badan, balse Gunners waxey ku adkeysteen inaan gool laga dhalin qeybta hore.

Qeybta hore waxaa lagu kala maray barbaro gool la’aan ah iyadoo Reds ay aheyd koox u qalantay iney goolal dhaliso, balse waxey wajahday daafac adag oo Gunners ah.

Qeybta dambe ayaa la isku soo laabtay iyadoo Reds ay halkeedii kasii bilowday iney ciyaarta hogaamiso, cadaadis badanna saarto goolka Arsenal.

Daqiiqadii 50-aad: Bukayo Saka ayaa laga diiday isku day uu ku doonayo inuu hogaanka ugu dhiibo Arsenal, dhinaca bidix ayuu kasoo galay, isagoo heysta fursad uu kubadda ku siiyo Martinelli ayuu isku dayay inuu goolka aado, balse daafaca Liverpool ayaa dibada u saaray.

Daqiiqadii 67-aad: Minamino ayaa u dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo Liverpool markii kubad geesta laga siiyay uu goosha aadiyay balse dhinaca ayey ka martay.

Daqiiqadii 71-aad: Bukayo Saka ayaa helay kubad uu si qurux badan ugu soo laanjeeyay Tierney, si fiican ayuu u qabsaday, balse kubadii uu goosha aadiyay waxaa ka badbaadiyay goolhaye Allison Becker.

Arsenal waxey mar walba sameyneysaa iney kubad weerar gaadmo ah goosha ku aado, balse wakhtiga ugu badan waxey xoogga saareen iney gooshooda difaacdaan maadaama ay inta ugu badan ciyaarta ku ciyaarayeen 10-ciyaartoy.

Daqiiqadii 81-aad: Chamberlain ayaa isku dayay inuu laad xoogan gool u badalo, balse kubadii uu tuuray kor ayey martay, mana ku aadin goosha.

Daqiiqadii 89-aad: Minamino ayaa qasaariyay fursadii ugu qaalisaneed ee soo martay Liverpool qeybta dambe ciyaarta, kubad uu gacanta isaga bixiyay Ramasdale ayuu meel cidlo ah ka helay, balse kor ayuu mariyay.

Daqiiqadii 90-aad: Arsenal ayaa ka badbaaday gool kadib markii Ramasdale uu kubad iska soo saaray fursad fiican ku helay da’yarka Williams, balse kubadii uu goolka aadiyay daafaca Gunners ayaa iska soo saaray.

Ciyaarta waxey ku dhamaatay barbaro gool la’aan ah iyadoo ciyaartoyda Gunners ay muujiyeen geesinimo saa’id ah maadaama ay shabaqooda difaacdeen iyagoo 10 ciyaartoy ku ciyaarayay inta ugu badan kulankii soo dhamaaday.

Gunners waxey qaateen kulan aan caadi aheyn, waxeyna sugi doonaan lugta labaad ee Emirates Stadium dhawaan lagu ciyaari doono,  waxaana la ogaan doonaa kooxda final-ka kula midoobi doonta Chelsea oo goor hore iska xaadirisay final-ka tartanka Carabao Cup.