DAAWO:-Liverpool Oo Dhigtay Rikoodh Cusub+SAWIRRO

1362

Kooxda Liverpool ayaa dhigtay rikoodh cusub oo gool dhalinta ah kadib markii ay xasuuqeen kooxda Watford sabtidii.

Reds ayaa dhalisay 5/0 kulan ay saddexda xiddig ee weerarka uga ciyaara dhamaantood gool dhaliyeen.

Rikoodho shaqsi ah ayaa sidoo kale la jabiyay sabtidii laakiin Kooxda Klopp ayaa koox ahaan dhigtay rikoodh kadib guushii 5/0 ahayd ee ay gaadheen.

Guushii Liverpool ayaa noqotay kulankii 9-aad oo xidhiidh ah oo ay dhaliyeen 2 gool iyo wax ka badan tartamada oo dhan markii ugu horaysay taariikhda kooxda ee 129 jirka ah.

Kooxda Liverpool ayaa sidoo kale noqotay kooxdii ugu horaysay ee England ah ee dhalisa 3 gool iyo wax ka badan 5 kulan oo ay marti ahaayeen taariikhda kooxaha reer England tartamada oo dhan.