Arsenal Oo Guul Ay Qalantay Ka Soo Gaartay Olympiacos +SAWIRRO

1578

Arsenal ayaa guul ay u qalantay waxa ay ka soo gaareen Olympiacos oo ay uga soo talaabsdeen sedex gool iyo hal , waxa uuna kulankaas ka tirsanaa lugta 1-aad ee wareegga 16-kaEUROPA LEAGUE –

Arsenal waxa a qeybta hore soo bandigeen kubad wacan oo dhan waliba ka dhameystiran waxaaana jiray is fahan ciyaartooyda u dhaxeeyay .

Kubad deggan ayay soo bandhigeen xilli kooxda garoonka ay halis ku ahaayeen kubadaha rogaal celiska ah waxa ayna Arsenal goolka koowaad ee lagu nastay heleen daqiiiqadii 34-aad waxaana saxiixay Oedegaard.

Soo laabashadii , kooxda garoonka waxa ay ka faa`ideysteen daafaca Arsenal oo afka hore u soo dhaqaayay waxaana lagu helay gool caiib ah oo meel laga toogtay daqiiqadii 58-aad

Arsenal niyad kama aysan qaadin goolkaas , waxa ayna ciyaarta aheyd mid abada dhinac laga filan karay goolal xilli xilli kooxda garoonka ay qasaariyeen fursado xaqiiq ahaa.

Arsenal oo qeybtii hore uu hor taagnaa goolhayaha wax aya qeybta labaad dhamaadki ciyaareen kubad cadaadis leh oo ay ku keeneen laba gool oo isu dhaw waxaan kala saxiixay Gabriel iyo Elneny kuwaas oo dhaliyay daqiiqadihi 79-aad iyp 85-aad, waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay 3/1 oo ay Arsenal lug kula galeen wareegga 8-da ee tartankaan.