Dr Xeydar Cali Raage oo ku geeriyooday Muqdisho

1545

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho xalay ku geeriyooday Dr Xeydar Cali Raage oo ka mid ahaa dhakhaatiirta Soomaaliyeed oo ka howlgasha magaalada Muqdisho.

Dr Xeydar oo xarun caafimaad ku lahaa degmada Yaaqshiid ayaa ka mid aha dhakhaatiirtii aan dalka ka tegin isla markaana bulshadooda u adeegi jirey mudadii dagaalada sokeye ay ka dhacayeen dalka,waxana uu taqtarku si gaar ah loogu xasuustaa inuu ku taqasusay oo bukaanada ka daweyn jirey cudurada ku dhaca sambabada iyo neef mareenka.

Alaha u naxariistee Dr Xeydar ayaa ahaa dhakhtar naxariis badan isla markaana u samafala bulshada.

Illaa iyo hadda si rasmi ah looma shaacin sababta geerida marxuumka inkastoo magaalada Muqdisho ay dad badan oo caan ah ay ugu geeriyoodeen cudurka Covid 19.