Ac Milan Oo Daqiiqadii Geerida Bar-Baro Ku Qabatay Man United +SAWIRRO

1373

Kooxda Ac Milan ayaa daqiiqadii ugu dambaysay Gool bar-baro ah ka dhalisay kooxda Man United kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee wareega 16-ka Europa League.

Qaybta Hore:

Kooxda Ac Milan ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo Man United ku qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn oo ay goolal ku doonayeen.

Dhanka kale Man United ayaa ku dhibaatootay qaybta hore iyaga oo difaacanayay waliba ay ku adkayd in ay qaadaan weeraro wax ku ool ah.

Ac Milan ayaa dhalisay laba gool oo deg-deg ah laakiin labada gool waxa lagu diiday mid Offside ah iyo mid gacan ku dhacday kadib markii VAR lala tashaday.

Man United ayaa markii ay ciyaartu waxoogaa socotay kor madaxa u qaaday iyaga oo Ac Milan ku qaaday weeraro ay ku doonayeen in ay gool ku hor maraan.

Kabtanka Man United ee Harry Maguire ayaa iska khasaariyay fursad waali ah kadib markii uu kubad dibada u saaray kadib markii ay goolka hortiisa ugu timid.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood bar-baro 0/0 ah ku kala bexeen laakiin kooxda Ac Milan ahayd kooxda fiican qaybta hore:

Qaybta dambe:

Man United ayaa u muuqatay kuwo isa soo canaantay waxana ay qaybta dambe ku bilowdeen qaab dar-dar leh iyaga oo raadinayay goolal ay ciyaarta wax kaga badalaan.

Daqiiqadii 50-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad waxana madax qurux badan ugu dhaliyay xiddiga da’yarka muslim-ka ah ee Amad Diallo kaas oo goolkiisii ugu horeeyay u dhaliyay kooxda 1-aad ee Man United.

Kooxda Ac Milan ayaa bilowday in ay raadiso goolka bar-baraha iyaga oo sii waday weerarada ay ku qaadayeen kooxda Man United.

Dhanka kale Man United oo hogaaminaysa ciyaarta ayaa bilowday in ay difaaca sii xoojisato kadib ciyaarto weeraro rogaal celis ah.

Man United ayaa heshay fursado dhawr ah oo ay ku dili kartay ciyaarta halka ay Ac Milan heshay dhankeeda fursado ay kula bar-barayn kartay Man United.

Xilli ay ciyaartu u muuqatay mid ay Man United guul dirqi ah kala baxayso kulanka ayay wax walab is badaleen daqiiqadii ugu dambaysay kadib markii ay Ac Milan dhalisay goolka bar-baraha.

Daqiiqadii 90+2-aad ayay Ac Milan dhalisay gool madax ah oo uu u dhaliyay daafaca Simon Kjaer kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Labada kooxood ku kala bexeen bar-baro 1/1 ah lugta 1-aad ee wareega 16-ka Europa League.