DAAWO:-Liverpool oo garaacday Leicester City +SAWIRRO

1455

Leicester ayaa guuldaro kala kulantay Liverpool City iyaga oo guul soo laabasho leh oo taariikhi ah ku gaadhay garoonkooda Anfield xilli uu Klopp shaxda ku soo galay xiddigo kayd ah waliba aan ciyaarsiin xiddigaha joogtada ugu ciyaara.

Leicester City ayaa ciyaarta ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo ka faa’iidaysanayay xiddigaha bilaa khibarada ah ee da’yarka u badan iyaga oo doonayay in ay wakhti hore ciyaarta dilaan.

Daqiiqadii 9-aad iyo 13-aad ayuu Jamie Vardy laba gool oo deg-deg ah u dhaliyay kooxdiisa Leicester City isaga oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 2/0.

Laakiin Daqiiqadii 19-aad ayay Liverpool dhalisay gool waxana u dhaliyay xiddiga Alex Oxlade-Chamberlain kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 waxana sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta.

Qaybtii dambe ayay Liverpool si dar-dar leh ku bilaabatay iyada oo uu Klopp badal ku soo galiyay qaar ka mid ah xiddigaha muhiimka u ah kooxda oo kaydka fadhiyay.

Daqiqiadii 68-aad ayay Liverool dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Diogo Jota kaas oo badal ku soo galay qaybta dambe ee ciyaarta.

Liverpool oo looga bartay soo laabashada taariikhiga ah ayaa daqiiqadii 90+5-aad dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Tukami Minamino isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/3.

Waxa sidaas lagu aaday rikoodhayaal si ay labada kooxood ugu kala baxaan kulanka midkoodna u aado Semi-final-ka tartanka Carabao Cup-ka.

Waxa ay guushu ku raacday kooxda Liverpool kuwaas oo ay guushu ku raacday 5/4 rikoodhayaal ah iyada oo Liverpool guul soo laabasho oo taariikhi ah samaysay.

Dhanka kale kooxda Chelsea ayaa guul ka gaadhay kooxda Brentford kulan aad u adkaa oo uu Thomas Tuchel ku soo galay xiddigo da’yar u badan.

Kulanka ayaa ahaa mid aad u adag marka loo eego in ay labada kooxodba si weyn u difaacanayeen iskuna ilaalinyeen in goolal laga dhaliyo.

Daqiiqadii 80-aad ayay Chelsea heshay goolka 1-aad laakiin waxa si khaldan isaga dhaliyay xiddiga Pontus Jansson kaas oo chelsea hogaanka u dhiibay.

Chelsea ayaa daqiiqadii 85-aad dhalisay goolka 2-aad waxana markan rikoodhe u dhaliyay xiddiga Jorginho oo ciyaarta dilay kana dhigay 2/0.