DAAWO:-Liverpool Oo garaaday Crystal Palace +SAWIRRO

1195

Liverpool  ayaa  nasiinada ugu dirtay Crystal Palace laba gool oo nadiif ah ka dib ciyaar wiilasha Klopp deg deg ay ku bilaabeen .

Liverpool waxa ay ku wacnaayeen in kubadda  gaarsiiyaan  afka hore waana midda keentay in goolal  helaan xilli ay kala yimaadeen daqiiqadihii 8-aad iyo 32-aad waxaana kala saxiixay Van Dijk iyo Chamberlain

Palace waxa ay ku wacnaayeen kubadaha rogaal celsika ah balse waxaa dilayay go`aan qaadasho deg deg ah waxaana u sii dheeraa goolhayaha Liverpool oo laba fursad xaqiiq ahaa si cajib ah u bad baadiyay

Palace waxa ay ka faa`ideysanayeen daafaca Liverpool oo banaanka si ka bad badis ah ah ugu soo baxayay waxaana Palace goolashaas laga bad baadiyay daqiiqadihii 20-aad iyo 38-aad halka 41-aad ay cuneen fursad kale xaqiiq aheyd

Soo laabashadii , durba Palace laba fursad ayay iska cuneen  xilli mid uu bad baadiyay goolhayaha waa ayna ku wacnaayeen in kubadda gaarsiiyaan afka hore Liverpool

Palace waa laga filan karay gool ilaa ay keeneen gool cajiib oo si wacan looga shaqeeyay waxaana daqiiqadii 55-aad ka dhaliyay Edouard

Liverpool waa ku adkeyd in kubadda si sax ah u jeedaan ka dib goolkaas , waxa uuna Klopp soo giliyay Takumi Minamino oo daqiiqadii 60-aad loo saaray Chamberlain

Hanan ciyaareedkii wacnaa Liverpool , kaliya waxa uu ahaa qeybta hore halka kooxda garoonka ciyaarayeen kubad kalsooni leh dhanka raacashadana aad ayay ugu wacnaayeen.

Habeenkii goolhayaha  Liverpool kubad goosha sii galeysay ayuu aan la aamini karin u bad baadiyay daqiiqadii 82-aad , waxaana xusid mudan in Liverpool qeybta labaad aysan sameyn wax halis ah  iyaga ayaana u nuglaa goolal .

Si waliba , Liverpool rigoore ayay heleen waxaan gool u turjumay Fabinho , daqiiqadii 89-aad balse kooxda garoonka aad ayay u dadaaleen, waxa ayan ciyaarta ku dhamaatay 3/1 oo ay guusha ku raacday Liverpool.