Liverpool oo niyada ku haysa finalka Champion-ka , is badel dhanka shaxdana ku soo gashay ayaa guul 2/1 ah ka gaartay kooxda Southampton
Sheekada qeybta hore : Southamptoon iyo Liverpool ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac min hal gool waxaana ku horeeysay kooxda garoonka
Liverpool oo shaxdeeda asaasiga ku soo galin iyaga ayaa ku sareeyay maamulka kubadda halka Southamptoon ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah .
Livrpool kubadda waa ay gaarsiinayeen aagga goosha kooxda kale kuwaasi oo daafac ku jiray inkastoo qaladaad ay ka dhacayeen Southampton
Liverpool mararka qaar waxaa ka maqnaa in diiradda saaraan ciyaarta gaar ahaan marka afka hore ay tagaan , waxaana lagu nastay min goolkaas oo uu Liverpool u dhaliyay Minimino .
Qeybta labaad : Liverpool ayaa u hammuun qabtay in waqti hore natiijada ciyaarta wax ka badalaan waa ayna sigayen goosha Sothampton kuwaasi oo dhankooda daafac iyo rogaal celis ku jiray waxa uuna Klopp soo laabaashadii soo giliyay Jordan Henderson ka dib dhaawac gaaray Gomez
Liverpool mar waliba halis ayay ahaayeen waana laga filan karay goolal ilaa ay keeneen mid cajiib ah waxaana madaxa ku dhaliyay Matip ka dib kubad koorno aheyd waxa uuna dhashay goolkaas daqiiqadii 67-aad halka daqiiqadii 65-aad uu soo giliyay Origi oo loo saaray Harvey Elliott.
Dhibka ugu weyn ee Southampton waxa uu ahaa in durba kubadda cagtooda ay ka baxeysay waxaana mar waliba halis ahaa wiilasha Klopp.
Si waliba , dhamaadki ayay kooxda garoonka isku dayo sameeyeen balse ma aheyn kuwo halis waxa ayan ciyaarta ku dhamaatay 2/1 oo ay Liverpool guusha ku raacday waxaana sidaas dib u dhacay loolanka horyaalka oo kulanka ugu dambeeya lagu kala bixi doono .